PSG oo baadigoobaysa badalka Blaise Matuidi oo ku sii jeeda Juventus

(Paris) 17 Agoosto 2016 Kooxda reer France ee PSG ayaa baadigoobaysa laacib u buuxin kara booska Blaise Matuidi kaas oo ku sii jeeda kooxda Juventus.

PSG ayaa doonaysa inay u dhaqaaqdo soo xerogalinta saxiixa laacibka reer France ee kooxda Newcastle United Moussa Sissoko sida laga soo xigtay (Le 10 Sport).

Kooxda macalin Rafa Benitez ayaan diyaar u ahayn inay ku fasaxdo Sissoko qiimo ka yar 40 milyan oo euro taas oo lagayaabo inay hakiso rajada PSG ee saxiixa Moussa.

Sissoko

Blaise Matuidi ayaa go’aansaday inuu isaga tago PSG kadib markii uu dareemay inay ku adkaan doonto inuu boos joogto ah ka helo kooxda reer France, Juventus ayaana doonaysa inuu u buuxiyo booskii uu baneeyay Pogba oo ku biiray Man United.

PSG ayaa loolan ku aadan saxiixa Moussa Sissoko kala kulmaysa kooxaha Real Madrid, Inter Milan, Everton iyo Borussia Dortmund.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close