Juan Cuadrado oo ku sii dhawaanaya inuu dib ugu laabto Juventus

http://www.football-italia.net/sites/default/files/imagecache/main_photo/[type]/[nid]/

(Torino) 17 Agoosto 2016 Juventus ayaa ku sii dhawaanaysa inay dib u soo ceshato laacibka reer Colombia ee Juan Cuadrado kadib markii Chelsea ay ogolaatay inay amaah ku fasaxdo xiliciyaareed kale.

Sida laga soo xigtay Sky Italia, kooxda Chelsea ayaa albaabka u furtay Juan Cuadrado si uu amaah ugu biiro kooxdiisii hore ee Juventus oo uu horay ugu soo ciyaaray hal xiliciyaareed oo amaah ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in heshiiska amaahda ah aysan ku jirin in Juventus ay wada iibsan karto laacibka, waxaana intaas sii dheer in kor looqaaday qiimihii amaahda ee ay horay ugu qaadatay oo ahaa 1.5 milyan oo euro.

Cuadrado

Wargayska ayaa sheegaya in Juve ay bixinayso haatan aduun dhan 3 ilaa 4 milyan oo euro si ay amaah ugu qaadato Juan Cuadrado.

Kooxaha Juventus iyo Chelsea ayaa la filayaa inay ka fariistaan arinka Juan Cuadrado maanta oo arbaco ah, waxaana xusid mudan in tababare Conte uu ku qanciwaayay qaab ciyaareedkiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close