Goorta uu Jose Sosa tijaabada caafimaad u marayo Kooxda AC Milan oo la shaaciyey

(Milano) 17 Agoosto 2016 – Kooxda kubadda cagta AC Milan ayaa qarka u saaran inay dhammaystirto saxiixa Jose Sosa, kaasoo ay marsiinayaan tijaabada caafimaad.

31-sano jirkaan khadka dhexe ayaa la filayaa inuu wax fiican ku soo kordhiyo qalbadda dhexe ee kooxda Macallin Vincenzo Montella.

Sosa ayaa xalay ka soo dagay Milano waxaana uu maanta tijaabada caafimaad u mari doonaa kooxda Milan inta uusan dhammaystirin ku biiristiisa Rossoneri.

“Waxaan diyaar u ahay inaan bilaabo jid cusub.” ayuu ciyaaryahanku u sheegay Sky Sports Italia.

Sosa, kaasoo ay Milan ku soo qaadatay adduun dhan 7.5 Milyan oo Euro ayaa saxiixi doona heshiis labo sanadood ah maanta kaddib.

sosa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close