Real Madrid oo diyaar u ah inay iska iibiso James Rodriguez

James

(Madrid) 16 Agoosto 2016 Kooxda Real Madrid ee dalka Spain ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay iska iibiso laacibkeeda qadka dhexe ee James Rodriguez.

Marca ayaa sheegaysa in tababare Zidane uu ku wargaliyay madaxwayne Florentino Perez in James Rodriguez uusan qayb badan ku lahaan doonin qorshihiisa xiliciyaareedka cusub.

Perez ayaa xaqiijiyay in wax walba ay suurogal tahay ka hor 31-August, Kooxdana waxaa kago’an inay iska iibiso James Rodriguez laakiin ma jiro dalab laga soo gudbiyay ilaa haatan.

James 1

Real Madrid ayaa ka warhaysa in James Rodriguez uu yahay laacib xirfadle ah balse waxay dareemayaan in 25 jirka reer Colombia ay ku adkana doonto inuu soo bandhigo qaab ciyaareed lamid ah xiliciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Bernabeu.

Chelsea, Arsenal iyo PSG ayaa kamid ah dhawr kooxood oo aad loola xiriirinayo laacibkii hore ee AS Monaco.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close