Pepe Reina oo nafsad ahaantiisa isku soo bandhigay Barcelona si uu u buuxiyo booska…

(Barcelona) 16 Agoosto 2016 Goolhayihii hore ee kooxda Liverpool Pepe Reina ayaa nafsad ahaantiisa isku soo bandhigay kooxda reer Spain ee Barcelona.

Wargayska Sport ayaa baahiyay in Pepe Reina uu xiriir la sameeyay maamulka sare ee kooxda Barcelona si uu ugu qanciyo inay heshiis lagaaraan suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Pepe Reina ayaa aaminsan inuu buuxin karo booska Claudio Bravo oo la filayo inuu ku biiro Man City maalmaha nagu soo aadan.

Kooxda macalin Luis Enrique ayaa baadigoobaysa goolhayaha Valencia ee Diego Alves, balse Pepe Reina ayaa doonaya inuu ku qanciyo Barcelona in isaga ay la saxiixdaan.

Pepe Reina ayaa katagay Barcelona 2003 markaas oo uu ku biiray kooxda Villarreal oo kadib uu uga sii gudbay Liverpool, waana markii labaad ee uu isku soo bandhigo kooxdiisii hore sida lagu daabacay warbixinta.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close