Mario Balotelli oo kulan  la yeeshay Jose Mourinho

mario

(Manchester) 16 Agoosto 2016. Weeraryahanka Liverpool Mario Balotelli ayaa la warinayaa inuu wada hadalo la yeeshay macallinkiisii hore ee Jose Mourinho oo ay mar ka soo wada shaqeeyeen naadiga Inter Milan.

Weeraryahanka reer Talyaani ayaa dheeri ku ah kooxda ku ciyaarta Anfield waxaana loo sheegay inuu raadsado koox uu ku biiro.

Mario Balotelli

Sida ay sheegeyso Calciomercato in Mario uu kulan aan rasmi ahayn la yeeshay macallinka reer Portugal.

Waxaa la warinayaa in Mario uu talo ka doonayay Mourinho kaa oo tababare ugu ahaa kooxda Inter Milan.

Jose ayaa la fahansan yahay inuu u sheegay wiilka qalafsan inuu badelo hab dhaqankiisa isla markaana uu dhimo lacagaha uu mushaarka u dalbanayo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close