Javier Mascherano oo sheegay inuu go’aansaday katagista Barcelona

Mascherano

(Barcelona) 16 Agoosto 2016 Daafaca kooxda Barcelona ee Javier Mascherano ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda reer Spain kadib markii lala xiriiriyay kooxda Juventus suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Javier Mascherano ayaa sheegay in dhamaadka xiliciyaareedkii hore uu go’aan ku gaaray inuu isaga tago Barcelona laakiin laacibka ayaa haatan u muuqda mid ka laabtay go’aankaas.

Mascherano ayaa sheegay in dhamaadka xiliciyaareedka uu iswaydiiyay inuu awoodo inuu u sii ciyaaro Barcelona taas oo ku keentay inuu ku fikiro ka tagistiisa kooxda reer Spain.

Mascherano

“Dhamaadka xiliciyaareedkii hore waxaan qorsheeyay inaan ka tago Barcelona” ayuu yiri Javier Mascherano oo ka hadlay mustaqbalkiisa Barcelona.

“Sababta ayaa ahayd in aanan garanayn inaan joogo heer ii suurogalinaya inaan u ciyaari karo Barcelona xiliciyaareedka xiga”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close