Goolhayaha Real Sociedad oo soo dhaweeyay ku biirida Man City

(Sociedad) 16 Agoosto 2016 Goolhayaha kooxda Real Sociedad Geronimo Rulli ayaa soo dhaweeyay wararka la xiriirinaya kooxda macalin Pep Guardiola ee Man City.

24 jirka reer Argentina ayaa u saxiixay kooxdiisa heshiis cusub oo ku eg ilaa 2022, laakiin laacibka ayaa sheegay inuu aad u jeclaa ku biirida kooxda reer ingiriis.

“Been ayaan sheegay haddii aan iraahdo, waxaa jira ciyaaryahan aan doonayn inuu kamid noqdo mid kamid ah kooxaha ugu fiican aduunka” ayuu yiri goolhaye Geronimo Rulli.

“Maanta waxaan doonayaa inaan difaaco funaanada kooxda Real Sociedad laakiin wixii dhici doona markale waa ay dhacayaan”.

Tababare Pep Guardiola ayaa diirada saartay saxiixa Geronimo Rulli maadama uusan ku qanacsanayn qaab ciyaareedka goolhayaha xulka ingiriiska ee Joe Hart.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close