Daniele de Rossi oo ku faanay daafacyada Roma ka hor kulanka FC Porto

(Porto) 16 Agoosto 2016 Laacibka qadka dhexe ee kooxda Roma Daniele de Rossi ayaa ku faanay daafacyada kooxdiisa ka hor kulanka habeen dambe ay ka hortagi doonaan FC Porto.

Roma ayaa u safraysa kooxda FC Porto ee dalka Portugal kulan ka tirsan isreeb reebka koobka horyaalada yurub ee xiliciyaareed kan.

Daniele de Rossi ayaa sheegay in kooxdiisu ay dareensantahay muhiimada uu leeyaha kulankaas wuxuuna la meel dhigay wareega 16-ka iyo kan rubuc dhamaadka ee Champions League.

“Ciyaartoyda nooga ciyaaraya daafaca dambe dhamaantood waa cajiib, waa ciyaartoy khibrad leh, waan hubaa in difaaceenu uu ahaan doono mid aad u adag” ayuu yiri Daniele de Rossi.

De-Rossi_2966987

“Isreeb reebka Champions League waa kulan leh muhiimada kulamada 16-ka iyo rubuc dhamaadka waayo waa kulan khuseeya masiirka kooxda”.

“Awooda FC Porto ayaa ah inay tahay koox marwalba tartanta siwalba oo ay uga tagaan ciyaartoydeeda, waxaan filayaa inaan wajihi doono koox xoogan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close