CHAMPIONS LEAGUE: Man City oo guul gaartay xilli Aguero uu dhaliyay saddexleey misane uu labo rigoore khasaariyay…+SAWIRRO

(Manchester) 16 Agoosto 2016 Kooxda Man City ayaa ku barbaratay kooxda reer Romania ee Steaua Bucuresti kadib markii ay ugu awood sheegatay 5-0.

Aguero ayaa wacdaro ka dhigay ciyaarta kadib markii uu khasaariyay laba gool ku laad oo loo dhigay ka hor intii uusan sii raacsan seddex gool, wuxuuna qayb wayn ka qaatay guushii man city ay caawa ka gaartay Steaua Bucuresti.

13 daqiiqo Silva ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa, 41 daqiiqo Aguero ayaa ka baxay nasiib xumadii haysatay bilowgii ciyaarta markaas oo uu iska khasaariyay laba rigoore, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 2-0.

Steaua Bucharest vs Manchester City

Manchester City's Argentinian striker Sergio Aguero (front) celebrates with Manchester City's Argentinian defender Pablo Zabaleta after scoring a goal during the UEFA Champions league first leg play-off football match between Steaua Bucharest and Manchester City at the National Arena stadium in Bucharest on August 16, 2016.  / AFP PHOTO / DANIEL MIHAILESCU

Qaybtii hore ayaa sidaas ku soo idlaatay laakiin City ayaa sii laba jibaartay ciyaarteeda wacan, 49 daqiiqo Nolito ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa kadib markii uu katagay goolhayaha kooxda Steaua Bucuresti wuxuuna ka dhigay ciyaarta 3-0.

Aguero ayaana sii raacsaday goolasha 4 iyo 5 daqiiqadihii 78, 89, Man City ayaana 5-0 uga adkaatay kooxda Steaua Bucuresti oo ay marti u ahaayeen kulanka lugta hore ee isreeb reebka Champions League.

b10

Dhanka kale kooxaha Ajax iyo FC Rostov ayaa ku kala baxay 1-1, sidoo kale Dinamo Zegreb iyo Salzburg ayaa ku kala baxay 1-1.

Kooxda FC Koebenhavn  ayaa guul ka gaartay dhigeeda APOEL Nicosia kadib markii ay uga adkaatay 1-0, Borussia Moenchengladbach ayaa dhankeeda dubatay kooxda Young Boys oo ay uga adkaatay 3-1.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close