Arsenal oo Man United kula soo biirtay loolanka loogu jiro Jose Fonte

FONTE

(Lodon) 16 Agoosto 2016. Arsenal ayaa Manchester United kula soo biirtay tartanka loogu jiro daafaca Southampton Jose Fonte sida uu qabo warsidaha ESPN.

Gunners ayaa baahi wayn u qabta daafac dhexe kaddib dhaawacyadii ka soo gaaray Per Mertesacker iyo Gabriel, daafacyada aan khibrada lahayn ee Calum Chambers iyo Rob Holding ayaa lagu soo bilaabay kulankii ay Arsenal guul darrada 4-3 kala kulantay Liverpool.

Fonte ayaa sidoo kale u soo ifbaxay usbuucii la soo dhaafay sida bartilmameed tababaraha Man United ee Jose Mourinho, kooxdiisa Southampton ayaana ku qiimeysay daafaca reer Portugal adduun dhan 10-milyan oo bound.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close