Lukas Podolski oo ku dhawaaqay inuu ka fariistay Ciyaaraha Caalami

Podolski

(Munich), 15 Agoosto 2016        –Weeraryahanka Xulka Qaranka Waddanka Jarmalka Lukas Podolski ayaa shaaca ka qaaday in uu ka fariistay Cayaaraha Caalami.
Xidiggan ku dhashay Poland ee 31 jirka ah ayaa xulka dalkiisa ka caawiyay guushii Koobka Adduunka 2014 ee Brazil, waxaana guud ahaan 129 kulan oo uu u saftay Deutschland uu u dhaliyay 48 gool.
Kulankiisii ugu dambeeyay ee Xulka Jarmalka ayaa waxa uu ahaa ciyaar ay 3-0 uga adkaadeen xulka Slovakia Koobkii Euro 2016, waxaana laacibkii hore ee kooxaha FC Koln, Bayern Munich iyo Arsenal, haatanna u ciyaara Galatasaray uu taageerayaasha Jarmalka kula hadlay boggiisa twitter-ka isagoo soo qoray “Waad mahadsan tihiin taageerayaasheyda, 12 sanadood 129 kulan waxay ahayd mid cajiib ah, waxay ahayd mid weyn, sharaf weyn ayayna ii ahayd inaan qayb ka noqdo xulka Jarmalka”.

Lukas PodolskiLukas PodolskiLukas Podolski

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close