Joao Mario oo qarka u saaran inuu ku biiro Inter Milan, laacibka oo seegay…

jo

(Lisbon) 15 Agoosto 2016. Joao Mario oo ayaa ku sii dhawaanaya inuu u soo dhaqaaqo Inter Milan kaddib markii la wariyay in laacibku seegay tababarka maanta ee kooxdiisa Sporting Lisbon.

Laacibka reer Portugal ayaa la aaminsan yahay inuu ku dhow yahay inuu ku soo biiro Nerazzurri iyadoo ay sheeganayaan warar maanta soo baxay in laacibku oo kol horeba ka gudbay qeybta hore ee caafimaadka.

Iminkana website-ka Gianluca Di Marzio ayaa warinaya in Joao Mario uusan ka qeyb qaadan tababarkii Sporting ee maanta, Jimcihii ayaa sidoo kale la wariyay inuu u gooyay tababarka inkastoo markii dambe ay kooxdiisu dafirtay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close