Dick Advocaat oo iska casilay shaqadiisii xulka Holland

proxy

(Amsterdam), 15 Agoosto 2016    –Macallinkii hore ee kooxda Sunderland ee Waddanka Ingiriiska Dick Advocaat ayaa iska casilay shaqadiisii tababare ku xigeen ee xulka Qaranka Holland, waxaana la sheegayaa in uu wada hadallo kula jiro kooxda Fenerbahce ee Turkiga.
Advocaat oo 68 sano jir ah ayaa lagu wadaa in uu beddelo tababarihii shaqada Fenerbahce laga eryay ee Vitor Pereira kaas oo hal xilli ciyaareed kooxda macallin u ahaa.
Tababare Dick waxa uu Sunderland soo layliyay intii u dhexeysay March illaa October 2015, waxaana sidoo kale uu soo tababaray xulalka Holland, Ruushka iyo South Korea.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close