Wenger oo doortay kabtankiisa cusub ee kooxda Arsenal

Wenger's picked Arsenal's new captain and it's a surprise choice

(London) 13 Agoosto 2016 Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa doortay kabtankiisa cusub kadib markii uu kooxda katagay Arteta.

Daily Star ayaa daaha ka qaaday in tababaraha reer France uu doortay kabtanka kooxdiisa Xiliciyaareedka 2016/17, wuxuuna doortay laacibka reer Spain ee Santi Cazorla.

Wenger ayaa meesha ka saaray Per Mertesacker oo intabadan hogaaminayay Arsenal xiliciyaareedkii hore maadama uu dhaawac ku maqnaa kabtankii hore ee Arteta.

https://pbs.twimg.com/media/

Sidoo kale Petr Cech iyo Laurent Koscielny ayaa loobadinayay inay qaban doonaan xilkaas balse Wenger ayaa doortay Cazorla kaas oo uu u arko inuu sifiican u hogaamin doono Gunners xiliciyaareed kan.

Santi Cazorla ayaa ku soo biiray Arsenal xaggaagii 2012, waana mid kamid ah ciyaartoyda ugu khibrada badan shaxda kooxda Arsenal.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close