KARTUUNKA MAANTA: Lionel Messi oo ka jawaabay wicitaannadii, dibna ugu soo laabanaya xulkiisa Argentina

Messi 1

(Barcelona) 12 Agoosto 2016 – Argentina waa xilligii ay u baahnayd, Lionel Messi waxa uu isku diyaarinayaa inuu dib ugu soo laabto xulkiisa qaranka oo uu horay u sheegay inuu ka fariistay, hadda waxa uu ka jawaabay halyeygu wicitaannadii badnaa.

Lionel Messi ayaa xaqiijiyey inuu si rasmi ah ugu soo laabanayo xulka qaranka Argentina, warkan oo soo afjaraya war uu sheegay kaddib niyad jabkii ka qabsadey Koobka Ameerika 2016.

“Waan arkaa inay dhibaatooyin badani ka jiraan ciyaaraha Argentine, waana inaanu xallinaa, balse gudaha ayaan kasoo xallin doonaa, halkii aan dibedda ka cambaarayn lahaa.” ayuu yiri Messi oo sheegay inuu go’aankan u gaarey jacayl uu u qabo qarankiisa.

Haddaba halkaan hoose ka eeg Kartuun uu arrintaas ka sameeyey fannaanka farshaxanka ciyaaraha ee Omar Momani, waxaana uu soo sawiray Messi oo sida halyey u labisan dibna ugu soo laabanaya xulkiisa qaranka Argentina.

cartoon-14816_k28ipxt2q2b91bq4flhjq8u9y

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close