Jordi Alba oo dib ugu soo laabtay tababarka Barcelona ka hor Super Cup-ka Spain

https://pbs.twimg.com/media/

(Barcelona) 13 Agoosto 2016 Daafaca reer Spain ee kooxda Barcelona Jordi Alba ayaa dib ugu soo laabtay tababarka buuxa ee kooxdiisa xili uu la maqnaa xanuun dhanka caloosha ah.

Mundo Deportivo ayaa baahisay sawirada Jordi Alba kaas oo ka qayb qaatay tababarkii Barcelona ee saaka, kooxda ayaana isku diyaarinaysa kulanka lugta hore ee Super Cup-ka Spain.

Tababare Luis Enrique oo qabtay shirka jaraa’id ee ka hor kulanka Sevilla ee Super Cup-ka Spain ayaa xaqiijiyay in Jordi Alba uu taam buuxda u yahay kulanka habeen dambe.

https://i2.arabia.eurosport.com/storage/attachments/5121/

Lama hubo in Jordi Alba uu ku soo bilaaban doono kulanka habeen dambe maadama laacibku uu hal maalin oo kaliya uu ka qayb qaatay tababarka kooxda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close