AC.Milan oo isku dayeeysa in Real Madrid ay ku qanciso saxiixa Mateo Kovacic

Kovacic

(Milan) 13 Agoosto 2016 Wararka ka imaanaya talyaaniga ayaa sheegaya in kooxda AC.Milan ay doonayso laacibka qadka dhexe ee Real Madrid Mateo Kovacic.

Shabakada Mediaset ee talyaaniga ayaa baahisay in AC.Milan ay doonayso inay amaah hal xiliciyaareed ah ku hesho 22 jirka reer Croatia ee Mateo Kovacic.

Kooxda reer talyaani ayaa sidoo kale doonaysa in heshiiska Mateo Kovacic lagu daro inay wada iibsan karaan dhamaadka xiliciyaareed kan haddii uu la qabsado kooxda.

Kovacic

Wararka ayaa intaa ku daraya in Real Madrid aysan diyaar u ahayn inay iska fasaxdo Kovacic haddii aan lagu iibsanayn aduun dhan 25 milyan oo euro.

Mateo Kovacic ayaa ku soo biiray Real Madrid xaggaagii 2015 markaas oo 30 milyan oo euro uu uga soo dhaqaaqay kooxda Inter Milan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close