WIILKII YARAA WUU QALOODAY! Stones oo aan qofna kala hadal City tababarkiisii ugu horreeyey! [DAAWO]

John-Stones-before-his-first-Manchester-City-training-session-August-2016-1024x601

(Manchester) 12 Agoosto 2016. John Stones waxa uu u ekaa wiil yar oo School-kii uu dhigan jiray ku badashay mid kale marka la eego qaabkii uu u dhaqmayey tababarkiisii ugu horreeyey!

Iyada oo ay kooxda oo dhan laba laba is kula soo bexeen si ay tababar u qaataan, Stones isaga oo ka dambeeyey Sergio Aguero oo la socday! Mala wuu qalooday!

Laacibka u dhashay Argentina uma muuqan mid xiiseenaya in uu isna hadal ama laba ku dhaho daafaca taas waxaaba ka darneyd intii tababarka lagu guda jiray! Stones afkaa juuqda gabay! Yuu la hadlaa?

Hada waxa ay u muuqataa in ay ku adkaan doonto xiddigaha ku fadhiya £47.5 million sal dhigashada Etihad!

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close