Orodyanadda reer Afrika ee Almaz Ayana oo jebisey rikoodh 23-jir ahaa! + Sawirro

(Rio de Janeiro) 12 Agoosto 2016 – Gabadha reer Ethiopia ee Almaz Ayana ayaa cardaadiqaha ka dhigtay rikoodhka 23-jirka ah ee u yaalley orodada 10-ka kun ee mitir, ciyaaraha Olombikada Rio.

Ayana ayaa wacdarahan ka dhigtay Olympic Stadium iyadoo orodkeeda kusoo gunaanadey 29 daqiiqo iyo 17.45 ilbiriqdi, iyadoo 14 kasoo jartay rikoodh ay horay u dhigtay gabadha reer China ee Wang Junxia sanaddii 1993.

Vivian Cheruiyot oo u dhalatay Kenya ayaa qalinka qaadatay, waloow ay rikoodh dhigtay lafteedu waxayse 15 ilbiriqsi ka dambaysey 24-jirkan ay la tartamaysey.

b

by r

b

b1

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close