Ciyaar lagu maamusayay Idaacadda Ciyaaaha Dalka Goolfm oo Magaalada Gaalkacyo ka dhacday [SAWIRRO]

DSC01292

(Gaalkacyo) 12 Agoosto 2016.  Garoonka Kubadda Cagta Cawaale ee Magaalada Gaalkacyo waxaa shalay galab lagu qabtay kulan aad u xiiso aa oo lagu maamusayay Xarunta ay Idaacada Ciyaaraha Dalka Goolfm ay ka furatay Magaalada Gaalkacyo

Ciyaarta waxa ay dhexmartay kooxaha  Cabdulaahi Yuusuf Airport iyo Cabdiwahab Mators.

Ciyaartan ayaa waxaa ka soo qayb-galay Mas’uuliyiinta Xiriirka Kubadda Cagta Gobolka Mudug dhinaca Puntland iyo Maamulka Sportiga Gobalka Mudug,Agaasimaha Guud ee Goobjoog,marti sharaf iyo Taageerayaal aad u badan oo kala taageerayay Labada Kooxood.

Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Gobalka Mudug Maxamed Xirsi Faarax oo ugu horayn ka hadlay Munaasabada ayaa guul weyn ku tilmaamay in Goolfm ay soo gaarto Gobalka Mudug,wuxuuna sheegay inay mudo badan sugayeen in Goolfm ay Gaalkacyo laga furo si ay  Ciyaaraha kor ugu qaado.

Wuxuu intaas ku daray Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Gobalka Mudug dhinaca Puntland in ka xiriir ahaan ay la shaqayn doonaan Goolfm,islamarkaana ay markasta garab joogsan doonaan.

Gudoomiye ku xigeenka Sportiga Gobalka Mudug Cabdirisaaq gabal-qariye oo isna halkaas ka hadlay ayaa si weyn u soo dhaweeyay in Goolfm ay Magaalada Gaalkacyo Xarun ka furatato,Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in Sportiga Gobalka Mudug uu yahay mid isku xiran oo aysan jirin wax kala xiri kara.

intaas kadib ayaa waxaa bilaabatay Ciyaartii xiisaha lahayd ee u dhaxaysay Kooxaha Cabdulaahi Yuusuf Airport iyo Kooxda Cabdiwahab Mators,waxaana labada kooxood ay bilawgii Ciyaarta so bandhigeen Ciyaar weerar iyo weerar celi ku dhisnayd,waxaana Kooxda Cabdiwahab mators ay daqiiqadii 5aad la timid Gool waxaana u saxiixay Ciyaaryahanka qadka dhexe Maxamed Jaamac,sadex daqiiqo kadib ayey heleen Kooxda Cabdulaahi Yuusuf goolkii bareejada kaas oo ahaa Gool ku laad waxaana u saxiixay Ciyaryahan lagu magacaabo Maanka, qaybtii hore ee Ciyaarta iyo qaybtii danbe waxaa la isku mari waayay 1-1.

Labada Kooxood ayaa ugu danbayn lagu kala saaray gool-ku-laad,iyadoo 6-7 ay guushu ku raacaday Kooxda Cabdiwahab Mators.

Agaasimaha Guud ee Goobjoog Media Group Xasan Maxamuud Maxamed oo Koobka gudoonsiiyay Kabtanka Kooxda Cabdiwaham Mators ayaa halkaas ka jeediyay Khudbad Kooban isagoo ka hadlay Furitaanka Xarunta Cusub ee Goolfm Magaalada Gaalkacyo,wuxuuna tilmaamay in Goolfm ujeedada ugu weyn ee loo aas-aasay ay tahay inay hormariso Ciyaaraha Dalka,Agaasimaha ayaa intaas ku daray in dhawaan Magaaloyin badan ay ka howl-gali doonto Goolfm.

Maalinta barri ah ayaa la filayaa in Ciyaar midaas la mid ah ay ka dhacado Garoonka Cabdulaahi ciise ee Koofurta Magaalada Gaalkacyo,waxaana xusid mudan in Ciyaartii Maanta si toos ah loogala socday Goolfm.

 

SAWIRRO

DSC01304 DSC01302 DSC01297(1) DSC01292 DSC01289 DSC01268 DSC01272 DSC01277 DSC01282 DSC01286 DSC01264 DSC01258 DSC01258(1) DSC01254 DSC01252 DSC01234(1) DSC01234 DSC01244 DSC01247 DSC01251 DSC01191 DSC01196 DSC01201 DSC01215 DSC01229 DSC01187 DSC01186 DSC01185 DSC01183 DSC01181

by Burhaan Cabdulaahi Xaashi

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close