RASMI: Sunderland oo labadan laacib kala soo wareegtay Man United…+SAWIRRO

(England) 11 Agoosto 2016. Naadiga Sunderland ayaa dhammeystirtay saxiixyada Paddy McNair iyo Donald Love oo ay kala soo wareegtay kooxda Manchester United.

Daafaca dhexe ee Paddy McNair iyo Love oo ka ciyaara garabka midix ee daafaca oo 21-jiro ah ayaa heshiis min afar sano ah qalinka ugu duugay kooxda ku ciyaarta Stadium of Light lacago lagu  sheegay 5.5-milyan oo bound.

Tababarihii hore ee Man United David Moyes ee iminka ka arrimiya kooxda lagu naaneyso Black Cats ee Sunderland ayaa sheegay inuu da’yar badan ku soo kordhin doono kooxdiisa cusub.

SAWIRRO:

sunderland

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close