RASMI: Kooxda Everton oo ku dhawaaqday saxiixa Ashley Williams oo ay ka soo qaateen Swansea City… (Daawo Sawirrada)

(Loverpool) 11 Agoosto 2016 – Kooxda kubadda cagta Everton ayaa shaacisay inay dhammaystirtay saxiixa daafacii Swansea City ee Ashley Williams, kaasoo ay doonayaan inuu u buuxiyo booskii uu banneeyey John Stones oo ku biiray Manchester City.

Lama shaacin qiimaha ay ku soo qaateen Ashley Williams, laakiin waxa uu qalinka ku duugay heshiis saddex sanadood ah.

Kabtanka xulka qaranka Wales ee Ashley Williams ayaa kooxda Swansea City ku soo qaatay muddo siddeed sano ah, waxaana uu qaab ciyaareed aad u heer sarreeya ku soo badhigay tartankii qarammada Yurub oo uu xulka qarankiisa Wales ka caawiyay in ay markii ugu horraysay taariikhdooda soo gaaraan afar dhammaadka tartankaas.

“Waxaan siddeed sanadood oo fiican ku soo qaatay Swansea City, aniga ahaan tartanka cusub waxaan dareemayay in uu yahay waxaan u baahanahay, sidaa darteed waan ku faraxsanahay in aan ku soo biiray Everton”. ayuu yiri Ashley Williams markii uu heshiiska cusub qalinka ku duugay.

Daafacan cusub ee Everton ayaa laga yaabaa inuu kulankiisa ugu horreeya ciyaaro kulankooda furitaanka Premier League oo ay Sabtida wajahayaan Tottenham Hotspur.

SAWIRRO:

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close