Man United oo ku qasbeysa Jose Mourinho inuu ciyaartoy iibiyo si uu..

joose

(Manchester) 11 Agoosto 2016. Manchester United ayaa la warinayaa inay ku qasbeyso tababaraheeda Jose Mourinho inuu ciyaartooy iska iibiyo ka hor inta aan loo ogolaan inuu sameeyo saxiixyo kale oo cusub.

Red Devils ayaa dhammeystritay saxiixa heshiis rikoodh ah oo ay kula soo wareegtay Paul Pogba horaantii bishan.

Wiilka reer France ayaa Old Trafford xagaagan kula soo biiray Eric Bailly, Zlatan Ibrahimovic iyo Henrikh Mkhitaryan.

Mourinho ayaa qarash gareeyay ku dhawaad 150-milyan uu kula soo saxiixaday afar laacib, laakiin kaliya 5.5 milyan ayaa uga soo xarootay Paddy McNair iyo Donald Love uu ka iibiyay Sunderland.

Tababaraha reer Portugal ayaa weli doonaya inuu afarta dambe ee kooxda ku soo biiriyo daafac dhexe oo khibrad leh.

Laakiin ESPN ayaa sheeganaya in Jose loo sheegay inuu iibiyo ciyaartoy ka hor inta uusan sameyn saxiixyo kale oo cusub.

Wararka ayaa intaa ku daraya in sheekadan cusub ay khatar galineyso mustaqbalka laacibiin badan sida Juan Mata, Adnan Januzaj iyo Bastian Schweinsteiger.

Jose ayaa doonaya inuu kooxda keeno daafac dhexe oo leh hogaamin sida kabtankii hore ee Man United Vidic.

Waxaana la sheegay in laga wada hadlay suuro galinimada ay kula soo wareegi karaan daafaca Southampton ee Jose Fonte.

Sidoo kale kooxda Mourinho ayaa xiiseynaysa daafaca kooxda Juventus Leonardo Bonucci laakiin waxay tartan kala kulmeysaa Man City.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close