Kaddib guushii Real Madrid ee Super Cup-ka Yurub, Zidane oo ku biiray xiddigo Taariikhda galay

Zidane

(Madrid) 11 Agoosto 2016 – Tababaraha kooxda Real Madrid ee Waddanka Spain, Zinedine Zidane oo ay kooxdiisu ku guuleysatay UEFA Super Cup markii ay 3-2 kaga adkaadeen Real Sevilla ayaa waxa uu ka mid noqday rag fara ku tiris ah ee Taariikhda galay.

Zizou ayaa ka mid noqday xiddigaha tirada yar ee iyagoo Ciyaartooy ah iyo iyagoo Tababare ah ku guuleystay Koobka UEFA Super Cup.

Macallimiinta kale ee iyagana horey rikoorkaan u dhigay waxa ay kala yihiin:-

Carlo Ancelotti

Isagoo Ciyaartooy ah: Milan (1990)

Isagoo Tababare ah: Milan (2003, 2007), Real Madrid (2014)

Diego Simeone

Isagoo Ciyaartooy ah: Lazio (1999)

Isagoo Tababare ah: Atlético Madrid (2012)

Josep Guardiola

Isagoo Ciyaartooy ah: Barcelona (1992)

Isagoo Tababare ah: Barcelona (2009, 2011), Bayern München (2013)

Luis Enrique:

Isagoo Ciyaartooy ah: Barcelona (1997)

Isagoo Tababare ah: Barcelona (2015)

Zinédine Zidane

Isagoo Ciyaartooy ah: Juventus (1996), Real Madrid (2002)

Isagoo Tababare ah: Real Madrid (2016)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close