MUUQAAL + SAWIRRO: Qaar ka mid ah xiddigaha kooxda Real Madrid oo qasay shirkii jaraa’id ee Zinedine Zidane, kaddib guushoodii UEFA Super Cup

(Madrid) 10 Agoosto 2016 – Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa 3-2 uga adkaatay 10 ciyaaryahan oo ka tirsan naadiga ay ku xafiiltamaan Spain ee Sevilla, waxaana ay sidaasi ku hanteen Super Cup-ka Yurub.

Dani Carvajal ayay Real Madrid goolka guusha uga mahadcelinaysaa daqiiqaddii 119’aad ee ciyaarta, goolkaas uu dhaliyey xilli dambe ayaana sabab u noqday in kooxda cad-cadku koobka gacanta ku dhigto.

Qaar ka mid ah xiddigaha Real Madrid ayaa guushaas kaddib waxa ay arbusheen shirkii jaraa’id ee tababarahooda Zinedine Zidane.

Xiddigahaas qasay shirka macallin Zidane waxaa ka mid ahaa Ramos, Marcelo iyo Alvaro Morata iyo kuwo kale.

Kabtan Sergio Ramos ayaa la arkayey isagoo garaacaya miiska uu shirka jaraa’id ku hayey Zidane, halka qaar kale oo xiddigaha kooxda ka mid ah ay biyo dusha uga shubayeen tababaraha reer France si ay ugula dabaal deggaan guushooda Super Cup-ka Yurub.

MUUQAAL:


SAWIRRO:

1

2

3

4

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close