“Mar walba waa farqiga,” Zidane oo amaan huwiyey Sergio Ramos

zinedinezidanesergioramos-cropped_wjnu24hk3j9r1jpvrc8c5haqf

(Madrid) 10 Agoosto 2016.  “Mar walba waxa uu ahaa farqiga.” Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa ku sheegay Sergio Ramos sidaas kaddib markii uu door saameyn leh guushii koobka UEFA Super Cup-ka ee ay Talaadadii Sevilla ka gaareen.

Ramos waxa uu soo bandhigay ciyaar heer sare ah iyada oo ay Real ka badisay Sevilla oo 10 ciyaartow ku dheeleeysay.

Kabtanka Real Madrid waxa uu kooxdiisa goolka bar bar dhaca ah u dhaliyey daqiiqadii 93-aad kahor inta uusan gaba gabadii kulanka uusan guusha u dafin Dani Carvajal.

Zidane ayaa amaan u soo jeediyey Ramos oo laga diiday gool waqtigii dheeriga ahaa.

“Waa in aad ugu hambalyeysaa Sevilla bandhigoodii wanaagsanaa,” ayuu yiri Zidane, kaas oo noqday kaliya tababarihii shanaad ee qaada Super Cup-ka isaga oo ah ciyaaryahan iyo kaartiisteba.

“Mararka qaar in aad dheesho kulan fiican waxa ay noqoneysaa in laba dhinac ay si siman u ciyaaraan maantana waan aragtay taas. Ugu dambeyntii waan badinay, laakiinSevilla aad ayey u wacnaayeen.

“Sergio Ramos waa kabtankeena, ciyaaryahan muhiim noo ah mar walba koobka in uu na siiyo u joogay. Ma jiraan awaamiir gaar ah oo la siiyo. Ciyaaryahanada sida Sergio ah, mar walba waa farqiga. Taas hada kahor waan aragnay. Ciyaaryahan ahaan wuu koray, fiinaalahan waxa uu noqday sida aan rabnay.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close