Waa maxay sababta Napoli ay u diidantahay in Chelsea ay ka iibiso Kalidou Koulibaly?

(Napoli) 09 Agoosto 2016 Kooxda Napoli ayaa miinka ka cuskatay iibka daafaceeda reer Senegal ee Kalidou Koulibaly kaas oo diirada u saaran kooxda Blues ee Chelsea.

Wararka ka imaanaya talyaaniga ayaa sheegaya in kooxda Napoli ay soo diiday dalab ku kacayay 50 milyan oo euro oo Chelsea ay ka soo gudbisay 25 jirka reer Senegal.

Mail ayaa daaha ka qaaday in kooxda Napoli aysan diyaar u ahayn inay iska iibiso daafaceeda Kalidou Koulibaly ilaa ay ka helayso badalkiisa.

Tababare Antonio Conte ayaa bartilmaameed kiisa koowaad ka dhiganaya Kalidou Koulibaly suuqa kala iibsiga ee xaggaagan laakiin Napoli ayaa u muuqata mid aan sifudud ku fasixi doonin laacibkeeda.

La Gazzetta dello Sport ayaa bil ka hor daabacday in kooxda Napoli ay baadi goobayso daafaca kooxda Torino ee Nikola Maksimovic si ay ugu buuxiso booska Kalidou Koulibaly.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close