Man City oo soo saartay xiddigaha uga qeyb galaya isreeb-reebka Champions League…(Saxiixeeda cusub ee Stones oo durba lagu daray iyo magacyo waa wayn oo laga tagay)

city

(Manchester) 09 Agoosto 2016. Man City ayaa soo saartay xiddigaha u matalaya kulanka laba aflaha ee isreeb-reebka Champions League ay la yeelan doonto kooxda Steaua Bucharest usbuuca soo socda.

Caawa saqda dhexe ayay ugu dambeyn ahayd inay Man City liiska u suu gudbiso UEFA waana sababta ay  ula soo wareegeen waqti hore John Stones oo durba lagu daray liiska.

Xiddigaha waa wayn sida Eliaquim Mangala, Samir Nasri iyo Wilfried Bony ayaa laga reebay kulanka.

Man City ayaa haddii ay ka soo gudubto kulankan labada lug ah si toos ah uga qeyb gali doonta wareega group-yada Champions League.

Aqri liiska u matalaya isreeb-reebka Champions League:

GOOLHAYE: Joe Hart, Willy Caballero.

DAAFACA: Bacary Sagna, Pablo Zabaleta, Aleksandar Kolarov, Gael Clichy, John Stones, Jason Denayer, Nicolas Otamendi

QADKA DHEXE: Fernando, Raheem Sterling, Jesus Navas, Kevin De Bruyne, Fabian Delph, Leroy Sane, David Silva, Fernandinho, Yaya Toure.

WEERARKA: Nolito, Sergio Aguero, Kelechi Ihenacho.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close