RASMI: Thomas Vermaelen oo ku biiray kooxda Roma

(Roma) 08 Agoosto 2016 Daaficii kooxda Barcelona iyo xulka Belgium Thomas Vermaelen ayaa amaah hal xiliciyaareed ah ugu biiray kooxda Roma ee dalka talyaaniga.

Thomas Vermaelen ayaa u duulay axadii shalay ahayd caasimada talyaaniga isaga oo saaka dhamaystiray tijaabada caafimaadka, Roma ayaana soo bandhigtay laacibkeeda cusub.

Roma ayaa fursad u haysata inay si rasmi ah ula wada wareegto 30 jirka reer Belgium ee Thomas Vermaelen dhamaadka xiliciyaareed kaan sida ay ku heshiiyeen labada kooxood.

Thomas Vermaelen ayaa u saftay kooxda Barcelona labadii xiliciyaareed ee uu la joogay 11 kulan wuxuuna u dhaliyay kaliya hal gool isaga oo kula guulaystay 7 koob.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close