Pogba oo ku baasay tijaabada caafimaad iyo Man United oo berito…

pogba

(Manchester) 08 Agoosto 2016. Paul Pogba ayaa maanta soo gaaray magaalada Manchester ka hor inta uusan 90-ka milyan uga soo dhaqaaqin naadiga Juventus.

Waxaa intaa kaddib la soo sawirray isagoo soo gaaray xerada tababarka Man United.

Iminkana jariiradda the Guardian ayaa sheeganeysa in 23-jirka reer France uu dhammeytiray tijaabadii caafimaad uu u marayay Red Devils.

Paul Pogba

Waxay intaa wararku ku darayaan in Pogba berito si rasmi ah loo shaacin doono inuu yahay laacib ka tirsan Manchester United.

Paul Pogba ayaa noqon doona saxiixa afaraad ee Jose Mourinho kaddib Eric Bailly, Zlatan Ibrahimovic iyo Henrikh Mkhitaryan

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close