Mario Gotze oo diyaar u ah inuu ka hortago kooxdiisii hore ee Bayern Munich

(Dortmund) 08 Agoosto 2016 Kubadd abuurihii hore ee Bayern Munich Mario Gotze ayaa ka hadlay kulanka axada ay ka horjeedaan kooxda macalin Carlo Ancelotti.

Mario Gotze ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu ciyaaro, wuxuuna intaa ku daray in kulanka Borussia iyo Bayern uu isaga uga dhiganyahay mid gooni ah.

24 jirkaan reer Germal ayaa katagay kooxdiisa Borussia xaggaagii 2013 markaas oo uu ku biiray kooxda Bayern Munich, 3 xiliciyaareed kadib ayuu dib ugu soo laabtay gurigii uu ku soo barbaaray.

“Diyaar ayaan ahay, waxaanan doonayaa inaan ciyaaro waqtiga ugu dhaw ee suurogal ka ah” ayuu yiri Mario Gotze oo la hadlay saxaafada.

“Kulanka axada waa mid muhiim noo ah, dhab ahaantii waxaan doonaynaa inaan guulaysano, waxaan rajaynayaa in ciyaartu ay qaadan doonto muuqaalka kore, inkasta oo kulankaas uu yahay mid aniga iigaar ah”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close