Kingsley Coman oo diidan inuu dib ugu laabto kooxda Juventus

(Munich) 08 Agoosto 2016 Laacibka garabka weerarka uga ciyaara kooxda Bayern Munich iyo xulka France ee Kingsley Coman ayaa iska diiday inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Juventus.

Kingsley Coman ayaa ku soo biiray Bayern Munich xaggaagii hore markaas oo kooxda reer Jarmal ay ku soo qaadatay amaah laba xiliciyaareed ah.

Laakiin 20 jirka reer France ayaan diyaar u ahayn inuu dib ugu laabto kooxdiisa Juventus marka uu dhamaysto heshiiska amaahda ah ee uu kula joogo Bayern Munich.

Heshiiska Kingsley Coman uu ugu biiray kooxda Bayern Munich waxaa ku jira qodob qoraya in kooxda reer jarmal ay ku iibsan karto xaggaaga dambe 20 milyan oo euro.

“Sanadkii hore ayeey Bayern iga caawisay inaan tilaabo horay u qaado, masaafo dheer ayaan u soo jaray ku biirida Bayern, wuxuuna ahaa go’aan fiican” ayuu u sheegay wargayska Bild.

“Bayern waa mid kamid ah kooxaha ugu fiican aduunka, waxaan doonayaa in sanado badan aan sii joogo halkaan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close