Idaacadda Gool FM oo kubaddo ugu deeqday qaar ka mid ah dhallinyarada Muqdisho+SWIRRO

(Muqdisho) 08 Agoosto 2016 Idaacadda Gool FM ayaa kubaddo ugu deeqday dhallin yaro da’yar oo ku ciyaareysay harreeraha Iskooska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, waxaana kubadahaasi bixinayay aggaasimaha idaacadda Gool FM C/laahi Daahir Siyaad Dhakoos.
Afar kooxood oo ku ciyaareysay labo garoon oo u dhaw iskooska Tarabuunka ayaa u suura gashay in la guddoonsiiyo dhowr kubadood.
Dhallinyarada ayaa si weyn usoo dhaweeyay kubaddaha lasoo gaarsiiyay iyagoo sheegay in ay u mahad celinayaan Gool FM iyo aggaasimaha idaacadda C/laahi Daahir Siyaad Dhakoos.
“Markii aan arkay in dhallinta ay u baahan yihiin in laga saacido agabyo Isboorti ayaan go’aansaday in aan soo gaarsiiyo kubadahaan.
“Runtii aad ayaan ugu faraxsannahay in aan arko dhallinyaro jecel isboortiga oo waliba doonayo in xirfadooda ay muujiyaan .ayuu yiri aggaasimaha idaacadda Gool FM C/laahi Daahir Siyaad Dhakoos.
“Maanta waxaan kubado gaarsiinay labo garoon, maalmaha soo aadan waxaan geyn doonaa garoomo kale oo ay ku ciyaarayaan dhallinyaro jecel isboortiga ayuu hadalkiisa kusoo gabo gabeeyay C/laahi Daahir Siyaad.
Sikastaba C/laahi Daahir Siyaad Dhakoos ayaa noqday aggaasimihii ugu horreeyay ee ka damqaday xaaladda ay ku sugan yihiin dhallinta jecel isboortiga, kuwaas oo doonayo in laga caawiyo agabyada kala duwan ee Isboortiga.