Tababare Roberto Mancini oo diyaar u ah inuu heshiis cusub saxiixo

(Milano) 07 Agoosto 2016 – Sida wararku ay sheegayaan tababaraha kooxda Inter Milan ee Roberto Mancini ayaa ku sii dhowaanaya inuu saxiixo heshiis cusub oo uu ku sii joogayo garoonka San Siro.

Warar badan oo la isla dhexmarayey oo ku aaddanaa mustaqbalka Nerazzurri ee 51-sano jirkaan ayaa sheegayey in ay xun tahay xeeshiisa dagaal suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, sidaas darteedna uu bixi karo oo aan heshiis cusub laga saxiixi doonin.

Laakiin hadda sida ay warinayso Corriere della Sera tababarihii hore ee kooxda Manchester City, kaasoo heshiiskiisa Inter uu uga harsan yahay hal sano oo qura ayaa saxiixi doona heshiis cusub usbuucyada soo aaddan.

Mancini

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close