Muxuu Pogba ka yiri wararka sheegaya inuu tijaabada caafimaadka u marayo Man United?

Photo published for We finally got Pogba - Mourinho confirms world-record transfer - Daily Post Nigeria

(Manchester) 07 Agoosto 2016 Laacibka kooxda Juventus ka sii socda ee Paul Pogba ayaa ka hadlay wararkii ugu danbeeyay ee sheegaya inuu tijaabada caafimaadka u mari doono Man United.

Pogba ayaa si maldahan u xaqiijiyay inuu ku sii dhawaanayo xirashada funaanada kooxdiisii hore ee Man United, xili la baahiyay inuu tijaabada caafimaadka u mari doono kooxda macalin Jose Mourinho.

“Marka dad badani ay hadlayaan ma jiro qof wax fahmaya, Hadalku waa mid aad u dhaw” ayuu ku soo qoray Boggiisa Twitter-ka.

Hadalka laacib kaan ayaa ka dhigan inuu ku sii dhawaanayo ku biirida United isla markaana uu rumoobay hadalkii saxaafada oo la xiriirinaysay United.

Man United ayaa la filayaa inay si rasmi ah ugu dhawaaqdo saxiixa Paul Pogba barri oo isniin ah sida lagu helayo warar ka imaanaya gudaha ingiriiska.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close