Juventus oo diirada saaratay afar laacib si ay u buuxiyaan booska Pogba

pogba-man-utd-manchester-united_3752556

(Torino) 07 Agoosto 2016 Kooxda Juventus ayaa durbaba diirada saaratay afar laacib si ay u buuxiyaan booskii uu baneeyay laacibka reer France ee Paul Pogba.

Juventus ayaa u ogolaatay Paul Pogba inuu ku biiro kooxdiisii hore ee Man United kadib markii ay miiska u saareen lacag kabadan 100 milyan oo euro.

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, Juventus ayaa diirada saaratay ciyaartoy ay kamid yihiin Axel Witsel, Nemanja Matic, Luiz Gustavo iyo Blaise Matuidi.

Axel Witsel

Wararka ayaa intaa ku daraya in 27 jirka reer Belgium ee Axel Witsel uu yahay laacibka ugu dhaw inuu buuxiyo booska Pogba ee kooxda Juventus.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close