Fabio Capello oo ku digtay Manchester United

Fabio-Capello-Manchester-United-697314

(Manchester) 07 Agoosto 2016. Fabio Capello waxa uu ku digtay  Manchester United oo uu qabo in ay qarash badan adeegsato balse sanadihii dambe aysan bilado qaadeen.

United hoos u dhac weyn ayaa ku yimi tan iyo markii uu Sir Alex Ferguson ka tegay kooxda 2013.

Intii uu Scotish-ka leylinayey Red Devils waxa ay ku guuleysatay 13 Premier League, shan FA Cup iyo laba Champions League.

Hase yeshee,tan iyo waayihii David Moyes, Louis Van Gaal iyo hada, Jose Mourinho, kooxda waxa ay ku guuleysatay FA Cup oo qura.

Tababarihii hore ee England iyo AC Milan Capello waxa uu sheegay in taasi aysan ahayn wax wanaagsan marka la eego qiimaha lacageed ee ay kooxda xilli ciyaareedyadii dhawaa qarash gareeysay.

“Waxa ay qarash gareeyeen €500million oo Euro una dhiganta £424m oo Pound saddexddii sano ee la soo dhaafay waxa ayna ku guuleysatay FA Cup laba jeerna uma aysan soo bixin Champions League,” ayuu yiri Capello.

“Lacagta ma aha wax walba.”

United waxa ay xagaagan qarasg gareeysa lacag badan iyada oo uu Mourinho soo iibsaday Eric Bailly iyo Henrikh Mchitaryan, isku darka qiimahooda waa £56m.

Waxaa si weyn loo fahansan yahay in Paul Pogba uu maalmaha soo socda ugu soo biirayo £110m.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close