DAAWO: Nin u eg Tababare Jurgen Klopp oo ku soo biiray shaqaalaha Liverpool… (Kooxda Reds oo labo Klopp yeelatay!)

klopp

(Liverpool) 07 Agoosto 2016 – Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp oo isagu qaabkiisu ka duwan yahay macallimiinta kale isagoo leh gar weyn, isla markaana aan bedelin Indha Gashi wareegsan ayaa waxay haatan u muuqataa in Liverpool ay soo iibsatay tababare kale oo ay is muuqaal shabahaan Klopp, waana Macallinka cusub ee dhinaca Jirdhiska naadiga ninka lagu magacaabo Andreas Kornmayer.

Kulankii saaxiibtinimo ee Liverpool ay Barcelona kula ciyaartay Wembley, taasoo 4-0 la diray Barcelona ayaa waxaa muuqanaysay isu ekaanshaha labadan tababare, waxaana Kornmayer uu waqtigiisii oo idil ku soo qaatay kooxda Bayern Munich, waxaana uu ka soo hoos shaqeeyay Pep Guardiola iyo Jupp Heyneckes.

Haddaba waxa ay u muuqataa in kooxda Liverpool ay labo Klopp yeelatay, ee hoos ka eeg sida ay labada nin isugu eg yihiin:-

Guji halkaan si aad u daawato labada Klopp

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close