Cristiano Ronaldo oo waqtigii la filayay ka hor dib ugu soo laabtay Real Madrid laakiin…

rondlo

(Madrid) 07 Agoosto 2016. Cristiano Ronaldo ayaa dib ugu soo laabtay Real Madrid saddex maalmood ka hor waqtigii la qorsheeyay isagoona goor hore isaga soo caraabay dalxiiskii uu ku maqnaa.

Kaddib markii uu dhaawac uga baxay ciyaartii finalka Euro 2016 uu xulkiisa Portugal ka qaaday koobka xulka Faransiiska mar uu dhaawac ka gaaray jilibka lugta bidix, ayaa la filayay inuusan fasaxa ka soo laaban doonin ilaa arbacada, laakiin wuxuu iminka muujiyay rabitaankiisa inuu durba ka soo kabto dhaawaca isagoo ka soo hormaray waqtigii la filayay inuu fasaxa ka soo laabto.

Hasayeeshee, tababare Zidane ayaa kolhoreba xaqiijiyay inuu Ronaldo safan doonin kulanka UEFA Super Cup ay talaadada la yeelan doonaan kooxda Sevilla.

“Sida cad wuxuu doonayaa inuu dib u soo laabto laakiin dul qaad ayaan u baahannahay, isna inuu is dajiyo,” Zidane ayaa sidaa soo jeediyay usbuucii la soo dhaafay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close