Arsenal oo guul ay ka gaartay Man City ku soo xirtay kulamadeedii saaxiibtinimo (SAWIRRO)

(London) 07 Agoosto 2016 Kooxda Arsenal ayaa cashir u dhigtay dhigeeda Man City kulan ku soo idlaaday 3-2, Arsenal ayaa uga mahadcelinaysa goolasheeda Iwobi, Walcott iyo Akpom.

Man City ayaa ciyaarta ku bilaabatay si dardar leh, Arsenal ayaana u muuqanaysa mid isku dhex yaacsan qaybtii hore ee ciyaarta.

30 daqiiqo Sergio Aguero ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Man City kadib markii uu ka faa’idaystay qalad dhanka difaaca kooxda Arsenal, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 0-1.

Arsenal ayaa iska khasaarisay fursado badan oo ay ku soo barbarayn kartay ciyaarta, qaybtii hore ayaana ku soo idlaatay 0-1 oo ay hogaanka ku haysay Man City.

Qaybtii dambe Arsenal ayaa hurdada ka kacday, 50 daqiiqo Iwobi ayaa u soo barbareeyay Arsenal kadib markii uu si quruxbadan u dhamaystiray kubadd uu ka helay Walcott wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-1.

73 daqiiqo Walcott ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Arsenal kadib markii uu baas qurxoon ka helay Sanchez, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 2-1.

85 daqiiqo weerar yahanka da’da yar ee Akpom ayaa 3-1 ka dhigay ciyaarta kadib markii uu ka faa’idaystay kubadd uu qalday goolhayaha.

87 daqiiqo  Iheanacho ayaa gool u soo celiyay kooxdiisa Man City kadib markii uu madax dabamarsiiyay goolhaye Cech, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 3-2.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close