AC.Milan oo doonaysa laacibka Chelsea ee Juan Cuadrado

Cuadrado

(Milan) 07 Agoosto 2016 Kooxda AC.Milan ee dalka talyaaniga ayaa doonaysa laacibka kooxda Chelsea ee Juan Cuadrado kaas oo amaah hal xiliciyaareed ah ugu ciyaarayay Juventus xiliciyaareedkii hore.

Sky Italia ayaa daaha ka qaaday in kooxda AC.Milan ay beegsanayso 28 jirka reer Colombia ee Juan Cuadrado kaas oo aan hubin booskiisa kooxda ka dhisan galbeedka London.

AC.Milan ayaa la soo sheegayaa inay wadahadalo la furtay wakiilka Juan Cuadrado si ay amaah hal xiliciyaareed ah ugu qaadato laacibka reer Colombia.

Milkiilayaasha cusub ee shiinaha ayaa diyaar u ah in tababare Montella ay u gacangaliyaan lacag badan si uu u dhiso koox xoogan suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close