WAR CUSUB: Paul Pogba oo soo gaaray Ingiriiska si uu u dhammeystiro heshiiska Man United

 pogbaaa

(Italy) 06 Agoosto 2016. Paul Pogba ayaa soo gaaray Manchester si uu u dhammeystiro saxiixa Red Devils sida ay sheegayaan warar ka imaanaya Talyaaniga.

La Gazzetta dello Sport ayaa sheeganeysa in Pogba uu galabta u soo duulay Ingiriiska isla markaana uu berito tijaabada caafimaad u mari doono Manchester United.

Kooxda ku ciyaarta Old Trafford ayaa lagu wadaa inay jabiso rikoodhka suuqa kala iibsiga adduunka iyadoo 112-milyan  dib ugula soo saxiixaneysa xiddiga qadka dhexe ee reer France.

Jose Mourinho ayaa shirkiisa jaraa’id shalay ku xaqiijiyay inuu ku sii dhawaanayo inuu gacanta ku soo dhigo saxiixiisii afaraad ee xagaagan kaa oo noqon doona xiddig qad dhexe oo aad u fiican, laakiin wuxuu diiday inuu xaqiijiyo in laacibkaasi yahay Pogba.

pogbaa

Horaantii maanta, tababaraha Juventus Massimiliano Allegri ayaa sheegay inuu ka filayo Pogba inuu dib ugu soo laabto tababarka kooxda maalinka isniinta ah.

Laakiin jariiradda Gazzetta dello Sport ayaa sheeganeysa in intii uu Allegri ku jiray shirka jaraa’id uu uga hadlayay arrimaha kooxda iyo Pogba uuba laacibka reer France diyaarad u sii saarnaa magaalada Manchester taa oo si qarsoodi ah loo soo qaban qaabiyay.

Waxay kaloo jariirada sheegtay in inta u dambeysa heshiiska la hagaajin doono berito iyadoona si rasmi ah loo shaacin doono maalmaha soo socda.

Heshiiskan ayaa ka dhigi doona Pogba inuu dib ugu soo laabto Old Trafford afar sano kaddib markii uu bilaash uga tagay kooxda kaddib markii uu diiday in heshiiska loo cusbooneysiiyo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close