Roma iyo Barcelona oo ka heshiiyay iibka Thomas Vermaelen (Goorma ayuu soo gaari doonaa Roma?)

(Roma) 06 Agoosto 2016 Kooxaha Barcelona iyo Roma ayaa ka heshiiyay iibka daafaca reer Belgium ee Thomas Vermaelen kaas oo ku guul daraystay inuu boos joogto ah ka helo kooxda reer Spain.

Di Marzio ayaa baahiyay in Barcelona iyo Roma ay isku afgarteen in Thomas Vermaelen uu amaah hal xiliciyaareed ah ugu biiro Roma iyaga oo xaggaaga dambe ku iibsan kara 12 milyan oo euro.

Thomas Vermaelen ayaa la filayaa inuu soo gaaro caasimada talyaaniga ee Roma barri 2:30 PM ee waqtiga geeska afrika isaga oo tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda Roma.

Photo published for Thomas Vermaelen will leave Barcelona and join Roma on loan

Vermaelen ayaa ku biiray Barcelona xaggaagii 2014 markaas oo uu ka dhaqaaqay kooxda ku ciyaarta garoonka Emirates ee Arsenal, laakiin 30 jirka reer Belgium ayaa ku guul daraystay inuu boos ka helo Barcelona.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close