Real Madrid oo suuqa dhigtay bartilmaameedka Arsenal: Siyaasadda suuqa ee kooxda ayaa u sahli kara in heshiiska meel maro

Arsenal-697163

(Madrid) 06 Agoosto 2016. Real Madrid waxa ay suuqa dhigtay bartilmaameedka Arsenal Isco, sida laga soo xiganayo wararka qaar.

Kooxda Premier League ka dhisan ayaa la wariyey in ay ku raad joogtay Xiddiga badi xagaagan laakiin ay dhib kala kulantay in ay horumar ka sameysay.

Hayeshee, Taas oo dhan hada ayey is badali kartaa iyada oo uu tababaraha Real Zinedine Zidane   uu qaatay Go’aan ka dhana Ciyaaryahanka.

Sidaas waxaa qaba jaraa’idka ka soo baxa Spain ee AS, oo sheegaya in kaartiistaha Real, Zidane uu ku qasban yahay iibinta Ciyaarayhahan kahor inta uusan sameyn saxiixyo cusub.

Isco waxaa lagu waday in uu baaqi ku ahaado kooxda kowaad ee Real xilli ciyaareedkan kaddib markii ay ku adkaatay in uu boos joogta ah ka helo ololihii tegay, waxa ay la micno tahay in aan la tebi doonin hadii ay Real iibiso.

Waxaa in muddo ah lala xiriiriyey in uu ka tagayo Bernabeu laakiin Real kaliya waxa ay iibin doontaa hadii ay hesho qiimaha saxda ah.

Sida xogo hoose laga helayo Real Madrid waxa ay Laacibka ku qiimeysaa aduun u dhexeeya kuwii lagu kala iibsaday Leroy Sane iyo  Paul Pogba.

Sane waxa uu Manchester City ugu biiray £37million halka Pogba lagu wado in uu dib ugu noqdo Old Trafford iyada oo ay Juve siisaneyso £110m.

City ayaa markii hore xiiseeneysay saxiixa Isco kahor inta aysan iibsan Sane.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close