RASMI: Kooxda Sunderland oo dhammaystirtay saxiixa daafacii Chelsea ee Papy Djilobodji + Sawirro

(Sunderland) 06 Agoosto 2016 – Kooxda kubadda cagta Sunderland ayaa ku dhawaaqday inay dhammaystirtay saxiixa difaacii Chelsea iyo xulka qaranka Senegal ee Papy Djilobodji, kaasoo ay kula wareegeen adduun dhan 8 milyan oo gini.

27-sano jirkaan ayaa qalinka ku duugay heshiis afar sanadood ah oo uu ku sii joogi doono garoonka Stadium of Light, waxaana uu sidaasi ku noqday saxiixii ugu horreeyey ee macallin David Moyes, tan iyo markii tababare looga dhigay kooxda Black Cats labo todobaad ka hor.

Isagoo xirfaddiisa ciyaareed ka soo bilaabay Senegal iyo kooxda ASC Saloum ayaa haddana Djilobodji waxa uu inta badan ka soo ciyaaray kubadda cagta waddanka Faransiiska gaar ahaan kooxda Nantes, ka hor inta uusan u soo dhaqaaqin garoonka Stamford Bridge xagaagii la soo dhaafay.

Intaas kaddib waxa uu amaah ugu biiray kooxda Werder Bremen bishii Janaayo 2016, waxaana uu u dhaliyey labo gool 14 kulan oo uu u saftay ciyaaraha Bundesliga.

Djilobodji ayaa 13 kulan u saftay xulkiisa qaranka Senegal, waxaana uu ka soo muuqday koobkii qarammada Afrika ee Africa Cup of Nations 2015.

Wareysigiisii ugu horreeyey Djilobodji markii uu ku soo biiray Sunderland:-


SAWIRRO:

CpH06ZbWcAEgjdO

CpH7CdPWAAALZri

CpH68fvWAAAzLmE

CpH68fwWcAA4bd6

CpH68fxWYAAoGY1

CpIUgsXWIAAaTGZ

CpIUgsOWAAEndB0

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close