Paul Pogba oo wada daawashada muuqaalada Manchester United si uu wax uga barto bandhigyadooda kahor inta uusan ku biirin

Juventus  v FC Bayern Muenchen  - UEFA Champions League Round of 16

(Manchester) 06 Agoosto 2016. Waxaa la soo warinayaa in Paul Pogba uu saacado ku qaatay daawashada muuqaalada Manchester United isaga oo diyaar garaw iminka ugu jira dhameystirka heshiiska uu ugu soo biirayo.

Laacibka khadka dhexe ee France waxaa la filayaa in uu aduun dhan £100million ugu soo laabto Od Trafford/

23 jirka waxa uu rajeynayaa in uu soo yareeyo waqtiga KMG ah ee uu kula qabsanayo qaab ciyaareedka United.

Pogba waxa uu ka caawiyey France in ay gaaraan fiinaalaha Euro 2016 oo ugu dambeyn laga qaaday balse kuma uusan soo laaban tababarka.

Xiddiga waxa uu Manchester United qaab bilaasha ah ugu tegay 2012 xilligaas oo uu Sir Alex Ferguson leylinayey.

Wixii intaa ka dambeeyey waxa uu noqday mid ka mida Laacibiinta khadka dhexe ee dunida loogu jecelyahay.

Hadii uu ugu dambeyn u biiro United waxa uu noqon doonaa Laacibka dunida ugu qaalisan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close