Kooxda Arsenal oo saddex ka mid ah xiddigeheeda muhiimka ah wayn doonta kulanka furitaanka Premier League ee ay wajahayaan Liverpool

ozilgiroud-cropped_18ajq0o7fp4cp1ntnvhy9c4f6s

(London) 06 Agoosto 2016 – Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa wayn doonta saddexdeeda xiddig ee muhiim ah Mesut Ozil, Laurent Koscielny iyo Olivier Giroud kulanka furitaanka horyaalka Premier League oo ay la ciyaari doonaan Liverpool, sida uu xaqiijiyey tababaraha kooxdaas ee Arsene Wenger.

Saddexdaan xiddig ayaan tababarka dib u bilaaban kaddib tartankii waynaa ee EURO 2016, macallin Wenger ayaana meesha ka saaray inay wajahayaan kooxda tababare Jurgen Klopp ee Liverpool Axadda berri ah teeda kale, kulanka ay ku furanayaan horyaalka Premier League ee ka dhacaya garoonka Emirates.

Isagoo hadlayey kulankii saaxiibtinnimo oo ay Arsenal 8-0 ku duugtay kooxda reer Norway ee Viking ayuu Wenger yiri: “Kulanka Liverpool aad ayuu goor hore ugu yahay iyaga.”, taasoo ka dhigan inay seegi doonaan kulanka Reds.

Joel Campbell, Alex Iwobi oo min labo gool dhaliyey Santi Cazorla, Walcott, Aktom oo min hal gool raacsaday iyo mid iska dhalis ahaa oo ay iska dhaliyeen wiilasha Viking ayey Gunners ku adkaatay kulankii ka dhacay garoonka Viking Stadion.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close