Chelsea oo faa’ido ka sameeysay iibka Papy Djilobodji

CpH06ZbWcAEgjdO.jpg large

(London) 06 Agoosto 2016. Sunderland waxa ay si rasmi ah ula soo saxiixatay daafaca u dhashay Senegal Papy Djilobodji iyada oo £8million uga iibsatay Chelsea.

27 jirka waxa uu Blues ugu soo biiray xagaagii tegay £2.7m waxa uuna uga yimi Nantes.

Jose Mourinho oo xilligaas ahaa tababaraha Blues ayaa sheegay in saxiixaas uusan ahayn ‘Dookh’ waxa uu saftay hal daqiiqo oo kaliya intii uu Stamford Bridge ku sugnaa.

Waxa uu waqtiga dheeriga ah ee lagu daro ciyaaraha ku soo galay kulankii Capital One Cup ee u dhexeeyey Chelsea iyo Walsall, kahor inta aan amaah loogu dirin Werder Bremen.

Hase ahaatee, hada waxaa saxiixiis kowaad uga dhigay Sunderland David Moyes.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close