Bayern Munich oo si cad uga hadashay mowqifka ay kataaganyihiin dib u soo laabashada Schweinsteiger

Bastian-Schweinsteiger-Bayern-Munich-MAIN

(Munich) 06 Agoosto 2016 Kooxda Bayern Munich ee dalka Jarmalka ayaa si cad uga hadashay mowqifka ay kataaganyihiin dib u soo laabashada laacibkoodii hore ee Bastian Schweinsteiger.

32 jirka reer Jarmal ayaa ka tagay Bayern Munich xaggaagii hore markaas oo uu ku biiray kooxda Man United, laakiin tababare Jose Mourinho ayaa u sheegay inuu raadsado koox uu ku biiro xaggaagan.

Madaxwaynaha kooxda Bayern Munich Karl Heinz Rummenigge ayaa albaabka ka xirtay Bastian Schweinsteiger wuxuuna sheegay inuu ka xunyahay waxa ku dhacaya laacibkiisii hore.

“Waxa ku dhacaya Bastian Schweinsteiger waa wax laga xumaado, sanad ka hor ayuu naga codsaday inaan u ogolaano inuu sameeyo tijaabo cusub, laakiin haatan ma jirto fikrad ah inuu dib u soo laabto” ayuu yiri Rummenigge.

Bastian Schweinsteiger ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah ee xulkiisa Germal-ka kadib 120 kulan oo uu u saftay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close